Xasan Sheekh oo booqday dhallinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii 2aad booqasho ku joogga dalka Eritrea ayaa kormeeray xerada ay ku sugan yihiin Ciidamadii Dowladda Federaalka ee tababarka loogu qaaday dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki ayaa booqasho ugu tagey askartaasi, isaga oo markaasi u kuurgelaya xaaladooda.

Madaxweynaha ayaa ka shaqaynaya, sidii askartaasi dalka dib loogu soo celin lahaa, taasoo ka mid ahayd ballanqaadkiisii, markii uu xilka la wareegayay.

Waa sawirradii ugu horreeyay ee ay ciidamadan ka soo muuqdaan, tan iyo markii tababarka loogu qaaday dalkaasi, horaantii 2020.

Waalidiin badan ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladda ubadkooda, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay qaarkood ka qaybgaleen dagaalkii ay Dowladda Itoobiya kula jirtay Jabhadda TPLF. Warkan ayaana wax caddeyn ahi loo hayn.

Ciidamadan oo la rajeynayo in dhawaan dalka lagu soo celiyo ayaa muhiim u ah dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iclaamiyay in ay dowladdiisu la geli doonto maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com