Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa hawlgalo ka fuliyay Degmooyinka Heliwaa iyo Kaxda ee Gobolka Banaadir, iyadoona lagu soo qabqabtay walxo la sheegay la doonayay in lagu qalqalgeliyo ammaanka Caasimadda Muqdisho iyo shacabka ku dhaqanba.
Hawlgalka hore oo ciidamadu ka sameeyeen Degmada Heliwaa ayaa ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, oo ay hareer socotay baaris dadka iyo gaadiid lagu sameynayay.
Hawlgalkii xigay oo xalay Degmada Kaxda laga sameeyay ayaa lagu soo qabtay walxo la doonayay in lagu qalqalgeliyo amniga magaalada iyo shacabkeedaba, sida ay ku warantay Idaacadda Codka Ciidamada.
“Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Ha’ada Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha hawlgalka, ka dib markii ay heleen xuuraan sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortaggo.” Ayay tebisay idaacaddu.
Ciidamada ayaa intii uu hawlgalku socday ku soo qabqabtay dhallinyaro badan, kuwaa oo aan weli la kala caddayn waxa ay yihiin.
Ciidamada amniga ayaa Magaalada Muqdisho ka wada hawlgalo ka dhan ah ciyaal weerada iyo kooxaha burcadda ee dadka ku baarta magaalada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com