Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa amar ku bixiyay inaanay wadayaasha mooto bajaajta shaqayn karin, wixii ka dambeeya habeen bar (12:00am).
Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wax dembi ku tilmaamay, cid kastoo ku xadgudubtaa amaamiirta hay’adaha ammaanka.
“Waxaa la mamnuucay habeenkii wixii lix saac ka dambeeya inaysan socon karin mooto bajaaj, oo magaalada dhexdeeda aysan ka shaqayn karin, fiidkii horena ay dadku adeegtaan. Intii hawlgalku socdo habeen madow lix saac wixii ka dambeeyo, ciddii mooto waddaa la arko inay dembi tahay, oo ay ku xadgudubtay awaamiirtii ka soo baxday laamaha amniga.” Ayuu yiri Afhayeenka oo saaka BBC la hadlay.”
Afhayeenka ayaa sidoo kale milkiileyaasha mooto bajaajta ku wargeliyay inaanay mootadooda u dhiibi karin cid aysan garanayn ehelkiisa iyo halka uu ka yimidba.
“Sidoo kale waxaan rabnaa milkiileyaasha bajaajleyda inaan uga digno inaysan shakhsi aysan aqoonin ehelkiisa iyo meesha uu ka yimid aysan u dhiiban karin mootadooda.” Ayuu yiri Afhayeenku.
Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa intaasi ku daray in la mamnuucay askar aan ahaan kuwa hawlgalada wada inaanay wax hub ahi ku dhex qaadan karin Caasimadda Muqdisho.
Awaamiirta Taliska Booliska ayaa ku soo aadaysa, xilli laamaha amniga ay magaalada ka wadaan hawlgalo lagula dagaalamayo ciyaal weerada iyo kooxaha burcadda ee xilliyadii habeenkii dadka ku baarta magaalada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com