Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster.
Kulanka ayaa looga hadlay taageerada Dowladda Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaa sidii xal loogu heli lahaa masiibooyinka soo noqnoqda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.
“Kulanka ayaa lagaga hadlay taageerada Dowladda Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa masiibooyinka soo noqnoqda, nabadgelyada iyo sidii Dowladda Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic horumarineed iyo taageero dhinacayada kala duwan ah, oo ay ka fulin doonto Jubbaland.”
Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha shisheeye ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha, dib u dhiska iyo horumarinta nidaamka dowliga ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com