Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo shaqo ka joojin ku sameeyay laba Wasiir

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa shaqada ka muujiyay laba ka mida Golaha Wasiirada ee maamulkaasi.

Labadan Wasiir ayaa kala ah Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada, Xuseen Cismaan Lugatoor iyo Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda, Axmed Yaasiin Saalax.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa shaqada kaga joojiyay Wasiiradan.

Tallaabada shaqada looga joojiyay labadan Wasiir ayaa la fahamsan yahay inay la xiriirto dhacdadii Isniintii ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Diyaarad ay la socday Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaajir Samatar oo gargaar siday ayaa shalay laga celiyay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, taasoo horseeday iska horimaadkii dhex maray Ciidanka Ilaalada Badda iyo kuwa PSF-ta Puntland, oo saddex iyo toban qof ay ku dhinteen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com