Taliyaha cusub Booliska Nigeria ee Hawlgalka AMTIS oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Taliyaha cusub Ciidanka Booliska Nigeria ee qaybta ka ah Hawlgalka KMG ee ATMIS, Mohammed Ibrahim ayaa xilka kula wareegay munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Taliyaha cusub ayaa sii hoggaamin doono cutubka 11aad ee NFPU, kaasoo Booliska Somaliya ka caawiya arrimaha nabadgelyada iyo howlaha sugidda amniga.

Taliyaha ayaa xilka kala wareegay Taliyihii hore Samuel Bassey, munaasabad uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska ATMIS ahna Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska, Augustine Magnus Kailie.

Kailie ayaa Taliyihii hore iyo kooxdii la shaqeynaysayba ku ammaanay inay si sharaf, xirfad-yaqaanimo iyo geesinimaba leh ugu adeegeen hawlgalka cutubka NFPU, isla-markaana ay u horumariyeen waajibaadka Hawlgalka ATMIS.

Taliyaha cusub ee xilka la wareegay ayaa Militariga, Booliska iyo Shaqaalaha Rayidka ee ATMIS ku ammaanay horumarka illaa iyo hadda laga gaaray fulinta waajibaadka Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com