Xasan Sheekh oo la kulmay waalidiinta askarta tababarka ugu maqan Eritrea (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay qaar ka mid ah waalidiinta Ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u joogga dalka Eritrea, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay uu ugu tegay booqasho, oo xaaladooda uu ugu kuurgelayo.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababarada ay dalkaasi u jooggaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidiinta u xaqiijiyay, sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jaceylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”

Dhinaca kale, waalidka Ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay, si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyay in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com