Xubno Shabaab dil ku xukunaa oo ka baxsaday xabsi ku yaala Gaalkacyo

Saddex ka mida xubnahan oo toddobo gaarayay ayay u suurtagashay inay aroornimadii hore ee saakay ka baxsadaan xabsi gaar ah oo ku yaala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Maxaabiistan oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxaa mid ka mid ah toogasho ku dilay ilaalada xabsiga, markii ay baxsashadu dhaceysay.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland, Muumin Cabdi Shire ayaa xaqiijiyay in saddex ka mida maxaabiistaasi ay ka baxsatay xabsiga.

“Waxaa dhacday maxaabiis xabsi gaar ah oo Al Shabaab lagu hayo in saakay aroortii, 4-ta subaxnimo ay maxaabiis ka cararto, oo ay xabsiga ka booddo.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray “Maxaabiistan meesha ka dhacday illaa toddobo maxbuus bay ahaayeen, illaa subaxnimadii uu waaga ka baryayay saddex maxbuus baa la qabtay, midna xabadihii lagu ridayay buu ku dhintay, saddexdii kalena way baxsatoo, haddee gacantayada kuma jiraan.”

Taliyaha ayaa yiri “Laba maxbuus xabsi bay ku xukunaayeen, shan maxbuusna waxay ku xukunaayeen toogasho, marka saddex ka mid ah kuwa toogashada ku xukunaa baa baxsaday, oo hadda gacanteena aan ku jirin.”

Taliyaha oo BBC la hadlay ayaa dhacdadan ku sheegay mideedii ugu horreysay ee xabsigaasi ka dhacdo, tan iyo intii la sameeyay.

“Waa markii ugu horreysay xabsigan inta la sameeyay in howshaasi ka dhacdo.” Ayuu yiri Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in la samayn doono baaritaano ku aaddan, haddii dayacaad ay dhacday amaba ay jirtay gacan gudaha ah oo xubnaha Shabaabka kala shaqeysay inay baxsadaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com