Macalinka oo lagu magacaabi jiray Macalin Nuur Maxamed Jimcaale ayaa xalay lagu dilay xaafadda Nageyle ee Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Kooxo burcad ah ayaa weeraray Macalinka, wax yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay Masaajid uu ka akhrin jiray kutubta diiniga.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay rasaas huwiyeen Macalinka, ka dibna ay ka qaateen teleefankii gacanta ee uu watay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in burcadaasi ay goobta ka baxsatay, ka hor intii aanay gaarin ciidamada amniga.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in burcadaasi ay ninka Macalinka ahi u dileen, si ay uga qaataan teleefankiisii gacanta.
Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa in muddo ahba ah ku soo badanayay kooxaha qowleysatada ah, ee xilliyada habeenkii ah dadka ku baarta xaafadaha magaalada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com