Madaxweynaha Somaliya oo u ambabaxay dalka Kenya

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaasi iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah deriskeeda ayaa saaka u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya la yeelan doona wada hadalo ku saleysan, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha is beddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com