Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Nairobi, halkaas oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmi doona dhiggiisa dalkaasi Uhuru Kenyatta ayaa wada hadaladooda dhinacyada badan taabanaya, waxay xoogga ku saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedeysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee deriska ah, waxayna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada noolaanshaha shucuubta gobolka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com