Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Magaalada Garoowe ka daahfuray Shirweynaha Gurmadka Abaaraha, iyadoo kulankan uu ka qaybgalay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergeyga Gaarka ee Arrimaha Bani’aadanimada iyo Gurmadka Abaaraha.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisu uu furay koonto gaar ah, oo loogu talagalay in lacagaha loogu uruuriyo dadka ay abuuruhu waxyeeleeyeen.
“Waxaan rabaa inaan halkan uga dhawaaqo sanduuqa abaaraha lagula tacaalayo, oo aan rabo inuu noqdo sanduuq dowladda iyo bulshada u dhaxeeya.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ka maamul ahaan ay ku deeqeen lacag dhan hal milyan oo dollar, si wax loo gaarsiiyo dadka ay abuuruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanada Puntland.
“Iyadoo waxa aan hadda qabanay aan sheegnay ayaa waxa soo socdo si looga qabto sanduuqaas dowladdu waxay ku shubeysaa oo ay ku bilaabeysaa lacag hal milyan ah inay dowlad ahaan bixiso, oo daqliga dowladda looga jaro.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa dalbaday gargaar uu sheegay inay si wanaagsan u maareyn doonaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com