Rag hubeysan oo nin ganacsade ahaa ku dilay Caasimadda Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeysan ay xalay magaalada ku dileen nin ganacsade ahaa.

Ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Sheekh Salaad Ciise Diirshe ayaa lagu dilay xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid.

Wararka ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysnaa ay dileen ninka ganacsadaha, ka dibna ay ka baxsadeen goobta.

Ciidamada amniga ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobtii uu dilku ka dhacay, lamana sheegin cid ay falkaasi u soo qabteen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, waxaase dilalka ceynkani oo kale ah lala xiriiriyaa maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com