Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho laba maalmood ah ku tegay dalka aan dariska nahay ee Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga uu dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com