Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa caawa ka qaybgalay casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, oo uu ku maamuusay Madaxweynaha dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa intii ay socotay casho sharafta waxaa uu billad sharafta ugu sarreysa ee ay bixiso Dowladda Jabuuti guddoonsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku mutaystay kaalintiisa xoojinta xiriirka facawayn ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti billad sharafta la guddoonsiiyay iyo martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyay, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay billow wanaagsan u tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka qotodadheer ee labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com