Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id ayaa si qoto dheer uga hadlay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal.
Labada Madaxweyne oo yeeshay kulan ay ku lafa gureen adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolka ayaa xusay in ay iska kaashan doonaan xoojinta amniga, wax wada-qabsiga, is dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.
“Maanta caalamka lama kala maarmo, sidaas awgeed Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay ku wada yaallaan Geeska Afrika oo fursado badan, duruufo iyo caqabado isku sidkan ay ka jiraan. Maaddaama gobolku uu istaraatiji iyo muhiim u yahay adduunka kale, waa in aan si wadajir ah uga tashannaa sidii aan wax ula wadaagi lahayn dalalka kale ee dariska nala ah, annagoo ka faa’iideysanayna khayraadka iyo dadkeenna firfircoon ee ka tilmaaman caalamka.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga gobolku u leeyahay labada shacab.
“Waxa ka dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliya waa wax aan biri-goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen dalka Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalka Madaxweynuhu uu bud-dhig u yahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com