Madaxweynaha Mareykanka oo soo geba-gabeeyay safarkiisii Bariga Dhexe

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa soo geba-gabeeyay booqasho afar maalmood qaadatay, oo uu ku tegay Bariga Dhexe, halkaas oo uu kula kulmay Madaxda Israel, Falastiiniyiinta iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed bin Salman.

Madaxweyne Biden iyo Amiir Mohammed bin Salman ayaa qaaday tallaabo ay ku hagaajinayaan xiriirka aan wanaagsanayn ee labada dhinac.

Madaxweyne Biden ayaa la fahamsan yahay inuu Sabtidii Magaalada Jeddah ka laabtay, isagoo wata guulo aan badnayn iyo shaki ah socdaalkii uu ku tegay Sacuudiga inuu ahaa mid uu u khalmay iyo in kale.

Socdaalkiisan Sacuudiga ayaa waxaa hareeyay dilkii Wariye Jamal Khashoggi, oo sanadkii 2018 lagu dilay Qunsiyadda Sacuudiga ee Magaalada Istanbul.

Xiisadda labada nin ayaa aad u sarreysay ka hor kulankoodii Jeddah, taa oo ka dhalatay, ka dib markii Sirdoonka Mareykanka ay sanadkii hore sheegeen in Ina Salman uu bixiyay amarkii lagu qaarajiyay Khashoggi.

Madaxweyne Biden oo habeenimadii Jimcaha hadlay ayaa dilkii Khashoggi ku qeexay wax ceeb ah, isla-markaana uu Amiir Mohammed uga digay in mar kale uu beegsado xubnaha mucaaradka. Biden ayaana xilligaa kala caddeyn, haddii maamulkiisu wax uu wax tallaabo ahi ka qaadayo ninkaasi iyo in kale.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa Sabtidii sheegay inay doonayaan in horey looga socdo dilka Saxafigaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com