Qarax weyn oo ka dhacay Magaalada Jowhar (SAWIRRO)

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa maanta lagu weeraray Hotel Shabelle ee Magaalada Jowhar, kaasoo ay degan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in nin kaxeynayay gaari nooca xamuulka oo siday qalabka dhismaha, laguna soo raray walxaha qarxa in uu bartilmaameedsaday hotelkaasi.

Goobjoogeyaal ayaa sheegaya in gaarigu uu ku qarxay afaafka hore ee hotelkaasi, iyadoona uu qaraxu ahaa mid si weyn looga maqlay xaafadaha magaaladaasi.

Qaraxa ayaa gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo ay adag tahay in macluumaad sax ah laga helo inta uu khasaaruhu le’eg yahay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saddex ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Sidoo kale qaraxaasi ayaa burbur u gaystay dhismaha hotelkaasi iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan. Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa sidaan baahisay “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday xarun ay Magaalada Jowhar uga sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle.”

Qaraxan ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa ee ka dhaca Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com