Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda oo qaabilay oo Danjiraha Mareykanka ee dalka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Mareykanka ee dalka, Larry André.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Somaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Danjire André u sheegay in xukuumaddiisu ay diiradda saari saari doonto wax ka qabashada xaaladda amni ee dalka.

“Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Somaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wada shaqeynta, isla-markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com