Ra’iisal Wasaare Barre oo ka hadlay qaraxii Magaalada Jowhar

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka Magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta ka dhacay magaaladaasi.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballanqaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gobolka, gacanna ay ku siin doonaan, sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay waxyeeladu soo gaartay qaraxaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com