Diyaarad ku burburtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho

Dhammaan 36 qof oo saarnaa diyaarad nooceedu yahay Fokker 50 ayaa badbaaday, ka dib markii ay diyaaraddu gashay shil xilli ay soo degaysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa VOA u sheegay in diyaaraddu ay u kiraysnayd Shirkadda Jubba Airsways, hase yeeshee ay ka diiwaangashan tahay dalka Kenya.

Diyaaraddan ayaa sumaddeedu tahay 5Y-JXN. Diyaaradda ayaa kasoo kacday magaalada Baydhaba, waxayna cillad la kulantay waxyar kahor intii aysan soo degin garoonka diyaaradaha.

Illaa hadda si sax ah looma oga waxa sababay ciladda, masuuliyiinta garoonkana waxay sheegeen inay baaritaan wadaan. Mas’uulka ka tirsan garoonka ayaa VOA u sheegay in diyaaraddu ay kusoo dhowaatay dhulka iyada oo aan soo gaarin dhabbaaha diyaaradaha.

Diyaaradda ayaa la arkayay iyadoo is gedgeddinaysa xilligii ay degaysay. Diyaaradda ayaa lugaha kor u taagtay kadib markii ay is geddisay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sawirrada laga soo qaaday ay muujinayaan, iyaga oo daminaya qiiqa ka baxaya diyaaradda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com