Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Somaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ku joogay dalkaasi ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo sagootiyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Djibouti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda, oo salaan sharaf ku maamuusay sagootinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka reer Jabuuti soo dhaweynta diiran iyo martiqaadka heerka sare ah, ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan miro-dhalka ah ee uu ku tagay dalkaas iyo wadahadalladii ay wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka markhaati kacday walaalnimada iyo wada jirka ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka gobolka iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah deriskeeda, taas oo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugnaa Jabuuti waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne Geelle, isagoona hadal ka jeediyay Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, ugana xog warramay xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasillinta gobolka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com