Maxkamadda Militariga oo xukun adag ku riday nin lagu helay Shabaabnimo

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Yacquub Cabdillaahi oo ahaa xubin ka tirsan koxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab.

Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir” ayaa u dhaawacmay August sanadkii tegay Rasaas ay ku fureen Ciidamada Amniga kadib Bam uu ku tuuray waaxda Taleex

ilaa 2018 ayuu Alshabaab ka tirsanaa, waxa uuna labadiisii sano ee u horreeyay ku qaatay Duurka, waxa uu dhowr dagaal oo Arbushaad ah ka sameeyay Gobalka Shabeelada Hoose.

kadib markii uu ka bogsaday dhaawicii ay Ciidamada Amniga u gaysteen, waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada lagu soo Wareejiyay May Sanadkan.

Baaritaan dheer kadib, waxaa lagu helay dambiyo ay kamid yihiin Bambooyin uu ku Tuuray Bar Ciidamada Amniga ay ku lahaayeen Warshadaha Gaar ahaan Warsame Dool iyo Bamka uu ku tuuray Taleex oo ahaa kii lagu Qabtay oo ay Ciidamada Amniga ku dhaawaceen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay 20 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com