TPLF oo diyaarisay kooxda wada hadalada la galeysa Dowladda Itoobiya

Jabhadda Tigreega ayaa diyaarisay guddi wadaxaajood la fura Dowladda Itoobiya, sidaasina waxaa Wakaaladda Wararka AFP u xaqiijiyay afhayeenka TPLF, iyadoo ay tallaabadani ku soo aadeyso 20 bilood ka dib, markii uu dagaalku ka bilowday gobolka waqooyiga dalkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya toddobaad, ka dib markii Dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday guddi ka baaraandega suurtogalnimada wadahadallo nabadeed oo lala galo TPLF.

Laakiin waxaa ay caqabadi ka taagneyd go’aan uu Xisbiga Barwaaqo ee Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ku adkeystay in wadaxaajood kasta ay hoggaamin karaan Midowga Afrika, iyadoo tallaabadaasi ay jabhaddu diiday.

TPLF ayaa walaac ka muujisay “u dhawaanshaha” ergeyga AU-da horeyna u soo noqday madaxweynaha Nigeria, Olusegun Obasanjo, ee Abiy, waxayna sheegtay in ay doonayso in wadahadal kasta oo labada dhinac ay yeeshaan uu garwadeen ka noqdo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

“Waxa aan diyaar u noqoneynaa in aan wafdi u dirno Nairobi, aanna dhsino guddi ay xubno ka yihiin madax sare.” Ayuu AFP u sheegay Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah.

“Waxa ay noqoneysaa masuuliyad-darro weyn in aan AU-da u xilsaarno dhammaan hannaanka wada hadalka.” Ayuu yiri isaga oo intaa ku daray in wada hadal kasta uu qayb ka noqdo Kenyatta, kaasi oo kaalin wax ku ool ah ka ciyaaray dadaalada nabadeynta.

Guddiga dowladda ayaa waxaa madax u ah Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka dalkaasi ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Demeke Mekonen.

AFP.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com