DF oo beenisay in askartii loo qaaday Eritrea ay ka dagaalameen Itoobiya

Madaxtooyada Somaliya ayaa maanta beenisay warar sanadkii hore soo baxay oo sheegaya in ciidankii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka dagaalameen Gobolka Tigrayga ee Waqooyiga Itoobiya.

Waalidiin badan ayaa xilligaasi walaac xoogan ka muujiyay xaaladda ubadkooda, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ay qaarkood ka qaybgaleen dagaalkii ay Dowladda Itoobiya kula jirtay Jabhadda TPLF.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya, Cabdikariin Cali Kaar oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa wax ku turi-kuteen ah ku tilmaamay in ciidan Soomaaliyeed ay la dagaalameen TPLF.

Waxaa uu sheegay in shanta kun ee askari ee la la’aa la helay, uuna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga waramay guddiga waalidiinta askartaasi, markii uu dhawaan la kulmay.

Afhayeenka ayaa tibaaxay inuu socdo qorshihii iyo habraacii ciidamadaasi lagu keeni lahaa dalka, balse ma sheegin waqtiga saxda ah ee dalka dib loogu soo celin doono.

Ciidamadan ayaa muhiim u ah dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh iclaamiyay in ay dowladdiisu la geli doonto maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com