Mareykanka oo duqayn ku dilay xubno ka tirsan Al Shabaab

Warsaxaafeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Dowladda Somaliya ay Axaddii duqayn dhinaca cirka ah ku qaadeen maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii maleeshiyadaasi ay weerartay sida warsaxaafadeedka lagu sheegay saaxiibada Ciidamada Mareykanka, deegaanka Libikuus oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Mareykanka ayaa amar u haystay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada loo arkay inay yihiin saaxiibo Mareykan ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in weerarkaasi lagu dilay laba ka mida maleeshiyada Al Shabaab iyo inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay amaba ku dhaawacmay weerarkaasi.

Dowladda Federaalka Somaliya iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa qaaday tallaabooyin weyn oo looga hortagayo khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weerarada Al Shabaab, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay ka go’an tahay la dagaalanka Al Shabaab, si looga hortaggo waxyeeleynta dadka aan waxba galabsan.

Ururada argagixisada, sida Al Shabaab oo kale ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay inay khatar ku yihiin Somaliya, gobolka iyo weliba danaha Mareykanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com