Aadan Madoobe oo la kulmay Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha & Federaalka

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha & Federaalka.

Guddigan oo ka mid ah guddiyo dhowr ah oo sharci ahaanshahooda uu weli muran ka taagan yahay, maadama aan weli Golaha Aqalka Sare la horgeynin ayaa codsaday in loo fududeeyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka kaga xiran.

Guddiga ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay warbixin ku aaddan shaqa maalmeedkooda, iyagoona Gudoomiyaha ka codsaday inuu gacan ka siiyo dhameystirka wixii shuruuc ah, oo ay Baarlamaanka uga baahan yihiin.

Aadan Madoobe oo bogaadiyay shaqadooda ayaa dhanka kale ballanqaaday inuu gacan ka gaysan doono, sidii ay u heli lahaayeen waxyaabaha dhanka sharciyadda kaga dhiman.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com