Ranil Wickremesinghe oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Sri Lanka ayuu maanta Baarlamaanka dalkaasi u doortay inuu noqdo Madaxweynaha xigga ee dalka.
Ranil Wickremesinghe ayaa bedelaya Madaxweynihii hore ee dalkaasi Gotabaya Rajapaksa, kaas oo dalka isaga cararay, ka dib markii dibadbaxayaal careysan ay gudaha u galeen Xarunta Madaxtooyada ee Caasimadda Colombo.
Shacabka reer Sri Lanka ayaa ka careysan sicir bararka baahsan ee ku sii baahaya dalka oo dhan, iyadoona uu wiiqay dhaqaalihii dalkaasi.
Madaxweynaha cusub ayaa shacabka ugu baaqay midnimo, si wax looga qabto caqabadaha ku gadaaman burburka dhaqaale ee dalkaasi.
“Dhaqaalaha dalkeennu meel adag ayuu maanta marayaa, dhallinyaro wiilal iyo gabdhaba waxay codsanayaan in nidaamka wax laga bedelo. Dhibaatooyin badan ayaa dunida ka jira, si aan horey ugu sii socono waa inaan dejisanaa nidaam wanaagsan, dadkuna ma doonayaan qaab siyaasadeedkii hore ee xumaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Wickremesinghe.
Wickremesinghe ayaa intaasi ku daray “Xildhibaanada Baarlamaanka waa inay u midoobaan, sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatooyinka jira.”
Dadka qaarkii ayaa Wickremesinghe u arka mid ku sumcad beelay, xiriirkii dhawaa ee uu la lahaa Madaxweyne Rajapaksa, oo qoyskiisu ay dalkaasi ka arriminayeen labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com