RW Barre oo Midowga Afrika kala hadlay guluf ka dhan ah argagixisada (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada Muqdisho ku guddoomiyay Shirka Iskaashiga Somaliya iyo Midowga Afrika, oo ku qotomay ammmaanka dalka iyo la dagaalanka argagixisada, oo uu la qaatay wakiilo ka socday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo soo gaaray Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika nafhurnimada ay sameeyeen Ciidanka Hawlgalka ATMIS ee ku sugan dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in ay Somaliya isu diyaarineyso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu socodka, isagoo dalbaday isku xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgalada ah. Sidoo kale waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hor istaago maalgelinta argagixisada.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay kor u qaadi doonto tayada iyo kartida hay’adaha amniga, si ay ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka, sida ku xusan go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2628.

“Si taas lamid ah, dowladdan waxa ka go’an in sare loo qaado wacyiga dadweynaha iyo abaabulka qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan culimada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada, si qolo walba ay intii karaankeeda ugu biiriso dadaallada aan ugu jirno ciribtirka argagaxisannimada.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dalbaday in la joogteeyo taageerada la siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ballanqaaday in ay diyaar u yihiin iskaashi dhow iyo isku xir wanaagsan, oo lagu xaqiijinayo adkaynta guulaha la gaaray.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com