Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Tanzania (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaasi,  Ashuta Kijaju iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgeli doona shirka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo kulan doceedyo ku aaddan hirgelinta qorshaha Dowladda Somaliya ee ka mid noqashada dalladdan la yeelan doona madaxda dalalka ku mideysan EAC, si uu ugu soo bandhigo faa’iidada ay soo kordhinayso xubin ka noqoshada Somaliya ee dalladda iyo guud ahaan fursadaha maalgashi iyo wax soosaarka dalkeenna. 

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com