Ra’iisal Wasaaraha dalka oo amray in laga jawaabo weerarkii Gobolka Bakool

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa amray hay’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda Gobolka Bakool, oo deegaanno ka tirsan ay falal amni darro ah ka gaysteen maleeshiyada Al Shabaab.

Amarka Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay, ka dib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaareen) oo warbixin ka siiyay deegaanada ay kooxuhu ka gaysteen falalka argagixisada ah.

Ra’iisal Wasaare Barre waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab degdeg ah la bixin doonto dhibaatada ay gaysteen kooxaha nabadiidka ah, isla-markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com