Dagaal ka socdo Gobolka Afdheer iyo Madaxweyne Cagjar oo tegay furinta hore

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa isku dayaaya inay soo afjaraan maleeshiyada Al Shabaab ee u soo tallaabay Gobolka Afdheer, ka dib weeraradii ay Shabaabku Arbacadii ku ekeeyeen xeryaha Liyuu Boolis ee Yeed, Caato iyo Washaaqo ee dhinaca xadka labada dal.

Ciidanka Liyuu Boolis ayaa Shabaabku ku hareereeyay deegaano hoos-tagga Degmada Hargelle, iyadoona ay Shabaabku sameynayaan iska caabin ay isaga qafiifinayaan hujuumka kaga imaanaya Ciidanka Gaarka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Labada dhinac ayaa maalintii labaad ku dagaalamaya aagga Hulul, iyadoona xabadda laga maqlayo illaa Lake-ta Budhi, waana dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo.

Inkastoo dhulka lagu dagaalamayo uu dhul miyi yahay, haddana dadka ka ag-dhow ayaa waxa ay soo sheegayaan inay maqlayaan daryanka qoryaha waaweyn iyo qaraxyo.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in dagaalku uu geba-gabo ku dhowyahay, dadka deegaankuna waxay sheegeen inay arkayn meydad kor u dhaafaya 60 nin oo kuwa Al Shabaab ah.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa maanta bogaadin ugu tegay ciidanka ku sugan jiidda hore, ee dagaalka kula jira Shabaabka markii ugu horreysay u soo gudbay deegaanadaasi.

Madaxda Dowlad Deegaanka ayaa la filayaa inay Warbaahinta la hadlaan, marka hawlgalada socda la soo geba-gabeeyo.

Hadalhayn badan ayaa ka dhalatay tallaabada ay Shabaabku gudaha ugu galeen Gobolka Afdheer.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com