Madaxweynaha Somaliya oo codsi u gudbiyay madaxda dalalka EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgelay shir Hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ay martigelisay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa u gudbiyay codsi rasmi ah oo ku aaddan ka mid noqoshada Somaliya ee dalladan, isagoo tilmaamay dadaalka uu muddada badan ku bixinayay, sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen (EAC).

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay howlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan khayraadka ceegaaga sida macdanta, xoolaha iyo beeraha, kuwaasi oo Somaliya ka dhigaya mid ka mid ah dalalka ugu mustaqbalka fiican gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalkiinna, waxaanna rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanaddada soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aannu leennahay khayraad macdan, xoolo iyo kuwo beero. Intaas waxa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.”

Madaxweynaha ayaa yaa faahfaahiyay muhiimadda dalkeenna iyo gobolkaba ugu jirta in Somaliya ay xubin buuxda ka noqoto dalladdan, isagoona xusay in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku lammaan.

“Mustaqbalka waddamadani waa uu isku xiran yahay, Soomaaliyana ma doonayso in ay culays idinku ahaato. Taas bedelkeeda, waxa aannu rabnaa in aan noqonno dal waxtar leh oo wax ku soo kordhiya dalalkan muhiimka ah. Sidaasi awgeed, aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxa aan hortiinna ku soo gudbinayaa codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshadeenna dalladdan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dalalka Geeska Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah, ee ay la garab taagnaayeen Somaliya soddonkii sanno ee la soo dhaafay ee uu dalkeennu la tacaalayay duruufaha kala duwan iyo martigelinta ay wadamadaasi u sameeyeen dadka Soomaaliyeed ee u soo qaxay iyo guud ahaan doorka ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u soo kabashada Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka gobolka oo saldhig u ah qorsheyaasha heer gobol iyo heer qaaradeed ee kobcinta nolosha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com