Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay geba-gabada shir madaxeedka EAC (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay xiritaanka shir madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ay martigelisay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania, iyadoo Madaxda dalalkani ay maanta ka doodeen codsiga rasmiga ah ee Dowladda Somaliya ay ku dooneyso ka mid noqoshada dalladan.

Madaxweynaha oo kulan-doceedyo la qaatay Madaxda ka soo qaybgalay shirkan ayaa xoojiyay ololaha ansixinta codsiga Dowladda Somaliya, isagoo soo bandhigay fursadaha dhaqaale iyo bulsho ee ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, doorka xooggan ee ay ka qaadan karaan horumarka dalladan iyo saameynta ay ku leeyihiin gobolka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika, fursadda ay u siiyeen in uu sii xoojiyo codsiga Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka mid noqoshada dalladdan, waxa uuna ku ammaanay shacabka iyo Dowladda Tanzania soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan, ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyneyaasha Kenya Uhuru Kenyatta, Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, Uganda Yoweri Museveni iyo Burundi Evariste Ndayishimiye kala qaybgalay furitaanka jid halbowle ah oo lagu magacaabo Bariga Afrika, kaas oo ka mid ah kaabeyaasha dhaqaalaha ee isku xira dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com