Ruushka iyo Ukraine oo heshiis ku kala saxiixday dalka Turkiga

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Istanbul ku gaaray heshiis ay garwadeen ka ahayd Dowladda Turkiga, kaasoo u ogolaanaya Kiev inay dib u bilowdo dhoofinta qamadiga ee Badda Madow.

Heshiiskan ayaa Dowladda Ukraine ka caawinaya inay dibadda u dhoofiyo mallaayiin tan oo badar ah, oo ku xaniban dekedaha dalkaasi.

Ukraine ayaa bilowgiiba ka cago jiiday inay heshiis toos ah la gasho Ruushka, sababo ku aaddan, sida aanay ugu kalsoonayn in heshiiskaasi uu dhankiisa ka dhaqangeli doono.

Wasiirka Difaaca Ruushka, Sergei Shoigu ayaa marka hore heshiiskaasi ku saxiixay madal ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, intaasi ka dib waxaa heshiiskaasi dhanka Ukraine u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Dhaqaalaha, Oleksandr Kubrakov.

Moscow waxay ballanqaaday inaanay bartilmaameedsan doonin Dekedaha Ukraine, inta laga rarayo wax soosaarka beeraha iyo bacriminta.

Heshiiskan ayaa socon doono muddo laba bilood, iyadoona Magaalada Istanbul laga samayn doono xarun lagala socdo, laguna dabagalo fulinta heshiiskaasi, waxaana xaruntaasi ka hawlgeli doono Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey, Turkiga, Ruushka iyo Ukraine. Heshiiska ayaa dib loo cusbooneysiin karaa, haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Tani ayaa wax ka tari doonto sahayda cunna yarida ee dunida soo food saartay, ka dib duulaankii Ruushka ee dalkaasi. Go’doominta ay maraakiibta dagaalka Ruushka ku sameeyeen dekedaha dalkaasi ayaa hoos u dhigtay saadka suuqyada caalamka, waxaana sare u kacay qiimaha badarka. Qaramada Midoobey ayaana geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay, sidii loo badbaadin lahaa nolosha mallaayiin qof oo halis ugu jira gaajo.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo BBC la hadlay ayaa heshiiska uu labada dhinac isugu soo dhaweynayo ku tilmaamay shaqadii ugu wanaagsaneyd ee uu qabtay, muddadii uu hoggaaminayay hay’adaasi caalamiga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com