Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa beeniyay warka ay baahiyeen Warbaahinta qaybtood, ee sheegayay in Magaalada Muqdisho lagu afduubtay laba gabdho oo wada dhashay.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Asma Cabdullaahi Cismaan iyo Shaadiya Cabdullaahi Cismaan aanay jirin cid afduubatay, balse baqdin ay ka qabeen aabahood Cabdullaahi Cismaan Abkow oo Macalin Dugsi ah awgeed ay qoyska u soo sheegeen in la afduubtay.
“Baqdin ay waalidoontood ka qabeen, gaar ahaan aabahooda ka qabeen ayay u abaabuleen inay yiraahdaan waan afduubanahay, waa nala haystaa, inaysan afduubnayn waxaa lagu garan karay teleefankoodiiyaa daarnaa, dadka ayay toos ula hadlayeen, sababahaas is biirsaday awgii waxaa la gartay inuusan afduub jirin. Gabdhihii markii la dabagalay waxay sheegeen inay ka soo baxsadeen meeshii lagu afduubay, sababtuna ay ahayd inay aabahood ku raaligeliyaan xilligii ay gurigooda ka habsaameen inay ahaayeen kuwa afduuban.” Ayuu yiri Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska ayaa yiri “Markii ayaga dib loo wareystay waxay sheegeen in waxaas oo dhan ay u abaabuleen cabsi ay ka qabeen waalidoontooda inay garaacaan. Asma Cabdullaahi Cismaan waa 15 jir, Shaadiya Cabdullaahi Xuseen waa 13 jir, aabe Cabdullaahi Cismaan Abkow ayaana dhalay, waalidna waad garan kartaan haddii carruuri ka maqan tahay, wax walba waa uu ku fekeri karaa. Aabe Cabdullaahi siduu noo caddeeyay wuxuu sheegay in muddadii ay maqnaayeen uu dhowr jeer ku fekeray xitaa inay geeriyoodeen.”
Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay “Afduubka la sheegay ee Warbaahinta laga baahiyay maaha afduub sax ah oo jiray, ee waa afduub ay gabdhuhu abaabuleen.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com