Cabdisalaan Guuleed “Shabaabka maanta waa Al Shabaab dowlad kale oo dowladda ku dhex nool”

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo horey u soo noqday Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab uu maanta ka xoogan yahay, kana dhib badan yahay sanadihii hore.

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed oo ka qayb qaadanayay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee VOA, waxna laga weydiiyay kalsoonida ay Madaxda Dowladda Federaalka ku qabaan in mustaqbalka dhow laga adkaan doono Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa yiri “Dowladda markay dagaal ku baaqdo, cududeeda iyo awoodeedee ka aragtay.”

“Dowladi markay dagaal ku baaqayso, waa dagaal qorshe, ku talagal, dadaal iyo diyaargarowgiisu dhameystiran yahay, sida caadiga ah.” Ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf oo intaasi ku daray “Waxaan is leeyahay dowladdu diyaargarow culus dhumacdiisa iyo dhameystirkiisa lahaa, jiraa is leeyahay, markaan hadalkeeda dhageystay. Xog ogaal uma ihi sida wax u socdaanoo aniga way iga qarsoon tahay oo ma arag, laakiin waxaan is leeyahay way isku tashatay dowladdu.”

Waxa kaloo uu yiri “Dhinaca kale waxaan rabaa inaan muujiyo Shabaabka maanta, ma ahan Shabaabkii 2014, 2017 iyo 2019-kii Shabaabka maanta lala dirirayo, waa Al Shabaab wax badan ka bedelan, yacni aad uga dhib badan weeyaan. Al Shabaab ka dhaqaale badan Shabaabka waqtigaa aan sheegayo, waa Shabaab dhexgalay 5-tii sano ee la soo dhaafay nidaamka Dowladnimada Somaliya. Waa Al Shabaab dowlad kale ah oo dowladda ku dhex nool.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Ma jirto ama ma badna hay’ad ama qayb aysan Somaliya maanta ku lug lahayn Al Shabaab ma jiraan.”

Cabdisalaan Yuusuf ayaa yiri “Waxaan is leeyahay marka dowladdii la soo dhaafay fursado badanee lumisay oo Al Shabaab ka faaa’iideysteen, inay ku talagal ahayd anigu ma ogi, laakiin fursado badanee lumisay.”

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay “Maantay waxaan ka hadleynaa Al Shabaab oo duulay, sida xogta ku haysiinba oo Itoobiya galay gudaheeda oo dagaalo ka sii sameynaya. Al Shabaab oo lala xiriirinayo Ansar Al Sunna Mozambique inay shaqo weyn ka wada dhaxeyso. Al Shabaab oo ADF-ta Congo iyo Uganda dhexdooda joogga, xiriir weyn leh oo la shaqeynaya. Marka Shabaabka Dowladda Somaliya ay maanta la dirireyso ma ahan Shabaabkii 2012, 2014 iyo 2019-kii.

Shabaabka noocaas ah ee awoodaas leh ee sidaasi khatartiisu tahay Dowladda Somaliya inay wajahdo, welibana waqti kooban inay uga takhaluseyso ay sheegto, waxaan is leeyahay ku talagal iyo dadaal badanaa jira, wax laga yeelaayana ma ahan Dowladda Somaliya kuma aanay tashan, sida hadda wax yihiin, maxaa yeelay dowladi kuma dhawaaqdo waxaysan hubin.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com