Ciidanka NISA oo hawlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka ayaa hawlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka Sameeyay deegaanada haanooy, Dooryaaley iyo Abashiiro ee Gobalka Gedo.

Hawlgalada ayaa waxaa horkacayay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Gedo, Gaashaanle Abdulqaadir Xuseen Ibraahim.

Ciidamada ayaa hawlgaladan sameeyay, kadib markii ay cabasho kaga timid dadka deegaanka, kuwaa oo ka tabanayay dhibaatooyin ay u gaysteen maleeshiyaad ka tirsan mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com