Hirshabelle oo xubno cusub u magacawday Degmada Matabaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa maanta magacaabay xubno cusub, kuwaa oo bedelaya xubno horey uga tirsanaa Maamulka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa Cabdikaafi Shire Colaad u magacaabay inuu noqdo Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda ee Degmada Matabaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Xoghayaha Degmada Matabaan u magacaabay Cawil Nuur Yuusuf.

“Dhammaan hay’adaha amniga iyo shacabka waxaa la farayaa in ay la shaqeeyaan masuuliyiinta la magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.” Ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Caadle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com