Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay shir-madaxeedka dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ka dhacay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugnaayeen Magaalada Arusha waxa ay soo bandhigeen fursadaha ganacsi, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira Somaliya iyo doorka xooggan ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan horumarka dalladdan iyo guud ahaan saamaynta togan ee ay ku leeyihiin gobolka.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la qaatay madaxda ka qayb-gashay shir-madaxeedka, taas oo uu ku xoojinayay ololahiisa ku aaddan ansixinta codsiga Dowladda Federaalka Somaliya ee ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, isagoo adkeeyay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga Somaliya iyo wadamada ku bahoobay dalladaasi.
Dowladda Federaalka ayaa dadaal buuxa ku bixineysa hirgelinta codsigii ay u gudbisay Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkii 2016-ka, iyada oo warmurtiyeedkii ka soo baxay dhammaadkii shirka lagu faray Golaha Wasiirada Dalladda inay si degdeg ah uga hawlgalaan, sidii loo dardargelin lahaa hannaanka ay Somaliya kaga mid noqoneyso Dalladda Bulshada Bariga Afrika.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com