Dowlad Deegaanka oo sheegtay in la soo afjaray Shabaabkii soo galay Gobolka Afdheer

Bayaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay in la soo afjaray dagaal-yahanadii Al Shabaab ee dagaalka ka waday qaybo ka mida Gobolka Afdheer.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ciidanka Gaarka ee Liyuu Boolis ay laayeen dhammaanba maleeshiyadii Al Shabaab ee lagu hareereeyay deegaanka Hulul ee Degmada Hargelle.

“Waxaa la soo afjaray kooxdii argagixisada Al Shabaab ee afar maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aagga Caato, soona gashay Gobolka Afdheer, ka dib markii Ciidamada Xoogga Gaarka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ay ku hareereeyeen aagga Hulhul. Waxaana la laayay dhammaanba argagixisadii naf la caariga ahayd.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hadafka Shabaabku uu ahaa inay galaan deegaanka Oromada, iyagoo markaasi doonayay inay sii maraan Degmada Ceelkari, si ay ugu biiraan Jabhadda Oromada ee Shane.

Golaha Ammaanka ee Dowlad Deegaanka ayaa bayaanka ku sheegay in maleeshiyada Al Shabaab laga dilay in ka badan 100 nin, lagana gubay saddex iyo toban baabuur oo ay wateen, isla-markaana laga qabtay dhammaanba hubkii, isgaarsiintii iyo agabkii kale ay wateen.

“Argagixisada naf la caariga ee Al shabaab, iyagoo aan gaarin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhammaanba hub, isgaarsiin iyo agabkii ay wateen.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraal lagu daabacay bogga Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ayaa sidoo kale lagu sheegay “Wejiiga 1aad ee hawlgalkii wuu soo dhammaaday, waxaana bilaaban doona wejiga 2aad, kaas oo ah in Al Shabaab lagu weeraro goobahooda.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com