Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka xiriirka soo jireenka ah la wadaaga dalkeenna ku maraya socdaal ku saleysan dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida ayaa maanta u amba-baxay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com