Taliska Liyuu Boolis oo ka hadlay Shabaabka ka dagaalamaya Gobolka Afdheer

Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa markii ugu horreysay ka hadlay maleeshiyada Al Shabaab ee gudaha u soo galay deegaano ka tirsan Gobolka Afdheer.

Xoogag ka tirsan maleeshiyadii Al Shabaab ee gelinkii dambe ee Arbacadii weeraray xeryaha Ciidanka Liyuu Boolis ee Yeed, Caato iyo Washaaqo ayay qaybteed u suurtagashay inay gudaha u galaan gobolkaasi, qiyaastii 70km.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Liyuu Boolis, Korneyl Sakariye Cabdi Khaliif ayaa sheegay in dagaal-yahanada Shabaabka ay ku hareereeyeen deegaanka Hulul, oo hoostagga Degmada Hargelle.

“Maleeshiyadii gudaha u soo gashay waxaan ka gubnay shan iyo toban gaari, waa meesha la yiraahdo Hulul ee Gobolka Afdheer. Ciidanku dhinac kasta ayuu ka taagan yahay, waxaana rabnaa inaan soo afjarno.” Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka.

“Nimankan dhan kasta ciidanka ayaa ka taagan, qaybtood way is dhiibeen, waa niman jabay weeyaan, maxaa yeelay meel kasta ciidanka deegaanka ayaa ka taagan, waana soo afjaraynaa. Wax hadda caqabad saas ah oo ka taagan ma jirto, waa wax aan hadda soo afjarayno.” Ayuu yiri Taliye Kuxigeenka Liyuu Boolis.

Waxa uu sheegay inay maxaabiis kuwa Shabaabka ah ku hayaan Hulul, isagoo intaasi ku daray inay maleeshiyadaasi ka dileen 150 nin.

“Dhaawacooda waxaan ku haynaa aagga Hulul, dhimashada dhankooduna illaa iyo hadda waa 150 nin, ciidankuna wuu kor taagan yahay, waa halka uu dagaalku ka socday, maxaabiis badana way jirtaa.” Ayuu yiri Korneyl Sakariye Cabdi.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalka ayuu yiri “Khasaaraha dhankayaga aad buu u yar yahay, maadaama dhulku uu deegaankeenii yahay, waxaana nahay ciidan habeysan oo dowladeed, waxaanuna jabhad indha ku garaad oo ajnabi ah ay tahay.”

Korneyl Sakariye Cabdi ayaa intaasi ku daray “Nimankani waa cadowga bani’aadamka weeyaan, waa niman argagixisa ah oo caalamka argagixiso ka ah, isku daygooda, jabhadnimadooda iyo iimaan la’aantooduna waa wax iska jira, inta badan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com