Golaha Shacabka oo 10 cisho ugu kordhiyay dhismaha xukuumadda

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo uu wehliyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 1aad, kulankiisa 10aad ee maanta, oo ajandihiisu ahaa codsi ka yimid Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa intaasi ka dib meelmariyay codsiga Ra’iisal Wasaaraha, oo ahaa in 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro soo magacaabidda Golaha Wasiirada. 144 Xildhibaan ayaa ogolaatay, iyadoo 1 Xildhibaan uu diiday, mana jirin cid ka aamustay.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay muddo siinta Dhismaha Xukuumadda Federaalka ee uu ka codsaday.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirada, taas oo u baahan is qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo hay’adaha qaranka.

“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qaybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.” Ayuu Ra’iisal Wasaaruhu ku sheegay codsiga uu u diray Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaare Barre oo xusay ansixinta Golaha Shacabku ay u sameeyeen codsigiisii ku aaddanaa muddo siinta dhismaha Golaha Wasiirada ayaa sheegay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com