Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Cabdiqaasim Salaad Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogda dalka Masar ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaalada ay dowladdu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Somaliya ee wadamada gobolka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweynihii 5aad ee Jamhuuriyadda Somaliya, Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxiibka iyo dariska nahay.

Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay inuu ku garab siinayo walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh, sidii looga wada shaqayn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is caawiyaan, si loo samata-bixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com