Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Masar oo ku kulmay Magaalada Qaahira (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku joogga dalka Masar ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Madaxtooyada dalkaasi, waxa uu kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar, Abdel Fattah el-Sisi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay Dowladda Somaliya siineyso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadan ay saldhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho ayaa sheegay muhiimadda ay Dowladda Somaliya u leedahay dib u soo celinta doorka Dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi oo ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Somaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasillinta dalkooda, waxa uuna sheegay in Dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasilloon oo horumar ku tallaabsata.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga warbixiyay dhiggiisa dalkaasi qorshahiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah iyo in Dowladda Federaalka ay higsanayso in xiriir wanaagsan oo ka tarjumaya iskaashi iyo wax wada-qabsi ay la yeelato dhammaan dalalka ay la tahay saaxiibka, deriska iyo dan wadaagta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com