Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah ayaa la kulmay ururada bulshada rayidka, culima’udiinka iyo dhallinta Soomaaliyeed qaybtood.
Raiisal Wasaaraha ayaa dhinacyadan ka dhageystay tallooyinkooda wax ku oolka ah ee ku wajahan xukuumadda.
Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa sheegay, si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheeli-tiran ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.
Culimada, ururada bulshada rayidka iyo dhallinyaradii uu Ra’iisal Wasaaruhu la kulmay ayaa u soo jeediyay talooyin wax ku ool ah, iyaga oo sheegay inay gacan siin doonaan dowladda cusub.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com