Shabaab hor leh oo ka gudbay xuduudda Gobolka Hiiraan, una gudbay dhanka Itoobiya

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inay ka gudbeen xuduudda Gobolka Hiiraan, saacado uun ka dib, markii Dowlad Deegaanka Soomaalida ay ku dhawaaqday in la soo afjaray Shabaabkii gudaha u galay qaybo ka mida Gobolka Afdheer.

Maleeshiyada Al Shabaab oo toddobaadkii hore ka gudbay xuduudda Gobolka Bakool ayaa Ciidanka Liyuu Boolis muddo afar maalmood ah kula dagaalamayay deegaano ka tirsan Degmada Hargelle ee Gobolka Afdheer.

Xilli feejigaan sare la geliyay Ciidamada Dowlad Deegaanka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in xoogag hor leh oo kuwa Shabaabka ah ay ka gudbeen xadka Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay qiyaastii laba boqol oo nin, oo ka mid ah dagaal-yahanada Al Shabaab inay u tallaabeen dhanka Itoobiya, iyagoona ka gudbay sida uu yiri aagga Bur-candhala.

“Tirada rasmiga ah ma hayno, laakiin dhulka ay mareen, macnaha ay ku lugeynayeen, markii aan dadka weydiinay, intee in le’eg qiyaastooda, illaa laba boqol oo nin ayay ku dhow yihiin.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo BBC la hadlay ayaa tilmaamay inay xogta ku hayaan in Shabaabka iyo Ciidanka Liyuu Boolis ay isku fara-saareen Dhagaxa Laas-qurin.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) uu faray inay iskaashi dhow la yeeshaan Ciidanka Liyuu Boolis, maadaama ay dagaal kula wada jiraan Shabaab.

Gudoomiyaha oo wax la weydiiyay sababta ay xilligan Shabaabka uga gudbeen xuduudda gobolkiisa, haddii ay in muddo ahba is hor fadhiyeen ayaa ku jawaabay “Taas waxaa ka jawaabi kara Al Shabaab, sababtu tahay annaga shidada ay nagu hayeen, haddaan si kooban kugu sheego Al Shabaab waa Virus-ka nolosha, wuxuuna ku fidayaa gobolka oo dhan ama Bariga Afrika oo dhan. Itoobiya ayuu ku fidayaa, Jabuuti ayuu ku fidayaa, Uganda iyo Kenya ayuu ku fidayaa. Kenya ayay galeen waad ogtihiin, haddana Itoobiya ayay ku socdaan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com