Ciidanka Liyuu Boolis iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta ku dagaalamay xuduudda Gobolka Hiiraan la wadaago Gobolka Shabelle ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Dagaalka ayaa ka dhacay tuulada Laas-qurin ee Degmada Feerfeer, gaar ahaan dhinaca Gobolka Shabelle, waxaana uu dagaalku yimid, ka dib markii Ciidanka Liyuu Boolis ay Shabaabka ka hor istaaggeen inay gudaha u sii galaan gobolkaasi.
Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu duhurnimadii maanta halkaasi ku dhex maray Shabaabkii xadka Gobolka Hiiraan ka gudbay iyo Ciidanka Liyuu Boolis.
Saraakiisha Ciidanka Liyuu Boolis ayaa laga soo xigtay inay la wareegeen tuulada Laas-qurin, isla-markaana ay ku dhow yihiin inay Shabaabka ka wada saaraan, guud ahaanba Gobolka Shabelle.
Ilo madaxbannaan ayaase sheegaya in Shabaabkii ku sugnaa Laas-qurin uu soo gaaray gurmad uga yimid dhinaca Gobolada Dhexe, rasaas teel teel ahna laga maqlayo soonahaasi.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan ugu dambeeyay ee maanta labada dhinac ku dhex maray xadka labada dal.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa wada abaabul ciidan oo xoog leh, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu xaqiijiyo amniga xuduudda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com