Askarigii dilay Taliye Kuxigeenkii NISA ee Galmudug oo lagu toogtay Caabudwaaq

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Aadan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala degmadaasi, oo boqolaal ruux ay isugu soo baxeen.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukunkan fulisay ayaa askarigaasi ku heshay inuu dilay Taliye Kuxigeenkii Hay’adda NISA ee Galmudug, Faarax Cumar Geelle (Bayr) iyo gabar la dhalatay oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cumar Geelle.

Dilalka aanooyinka beelaha ee sida xoogga leh ugu soo batay Degmada Caabudwaaq ayaa madaxbannaan xanuun ku riday Madaxda Galmudug.

Caabudwaaq ayaa ka mid ah deegaanada Gobolada Dhexe ee weli ku dambeeyaan dilalka la xiriira aanooyinka xagga beelaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com